Majaajileyste isku ekeysiiyay madaxweynaha Tanzania oo lasii daayay

Majaajileystaha caanka ah ee reer Tanzania, Idiris Sultaan ayaa damaanad lagu sii daayay kaddib markii dhawaan uu baahiyay sawirkiisa oo uu ekeysiiyay madaxweynaha Tanzania, John Magufuli, sida uu BBC u sheegay Benedict Alex Ishabakaki oo ah qarenkiisa.

Sultaan ayaa ku xirnaa saldhigga booliska ee magaalada Dar es Salaam halkaas oo su’aalo lagu weydinayay.

Waxaana lagu wadaa Jimcaha inuu dib ugu laabto halkaas, sida uu sheegay qarenkiisa.

Sharciga la xiriira dambiyada Internetka ee dalkaas ayaa mamnuucaya in qofka uu qof kale isku ekeysiiyo isla markaasna uu soo bandhigo macluumaad been ah.

Wuxuu sheegay majaajileystaha markii uu baahinayay sawirrada “Waxaan maalin kala baddaleynaa shaqada si maalinta xuska dhalashadiisa uu si wanaagsan ugu dabbaaldego’

Madaxweyne Magufuli ayaa Talaadadii u dabbaaldegay 60 sannad guuradii kasoo wareegtay dhalashadiisa.

View image on TwitterView image on Twitter