Daawo Sawiradda Turkiga Oo Qabtay Albaqdaadi Walaashiis Iyo Qoyskeedii

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen walaasha wayn ee hogaamiyihii la dilay ee kooxda ISIS Albagdadi.
Weerar lagu qaaday magaalada Azaz oo ku taala gobolka Aleppo ee waqooyi galbeed dalka Siiriya ayaa laga soo qabtay haweenayday iyo qoyskeeda oo ku dhuumanaayey.
Turkiga ayaa sheegay in soo qabashadan ay ka danbaysay kadib markii ay heleen xog sax ah oo ay ku sheegeen dahabi.
Haweenaydan ayaa waxaa la joogay markii la qabanaayey shan caruur ah oo ay dhashay, ninkeeda iyo soddegeed.
Turkiga ayaa sheegay in ay waraysan doonaan dadka waawayn ee la qabtay.