Deg-Deg-Masuulkii Labaad ee Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Ciidamadu Xabsiga U Taxaabeen.

Hargeisa(GNN):-Ciidamada booliska somaliland ayaa hadda xabsiga isna dhigay xoghayihii guud ee xisbiga Waddani khadar Cabdi, sida ay warar xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen shabakada gabileynews.

Sidoo kale waxaa isna saacad ka hor ciidamadu xabsiga dhigeeen afhayeen xisbiga waddani Barkhad Jaamac Batuun, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn halka iyo goobta lagu xidhay masuuliyiintani.

Dhinaca Xukuumada Somaliland wali ma jiro faahfaahinta Wararka la xidhiidha Xadhiga masuuliyiintan oo ka soo baxay laamaha amniga dalka.

Muranka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi cabdi iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Salka ku haya Xubnaha komishanka Qaranka somaliland ee todobaadkii hore  ansixiyeen golaha wakiilada somaliland, ayaa u muuqda mid marba marka ka danbeysa, sii kulul-laanaya, waxaana xadhiga masuuliyiintani ka danbeysay markii maanta gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane C,raxmaan Cirro ugu baaqay taargeerayaasha xisbiga Waddani ee gobolka Maroodijeex in maalinta barrito ah ay isku soo baxaan isuguna yimaadan Xarunta dhexe xisbiga waddani uu ku leeyahay magaalada hargeisa, gaar ahaa Xaafada New hargeisa, taas oo sababtay in ciidamda Booliska Somaliland oo si adag uga hadlay arrintaa kasoo yeedhay gudoomiye cirro la wareegaan Xafiiskii xisbiga waddani.

Halkan Ka Akhriso Qoraal uu Bartiisa Facebook Soo Dhigay Gudoomiye Cirro.

 

Dhanka Xukuumada Somaliland Afhayeenka Madaxtooyada jsl mudane Maxamuud Warsame jaamac ayaa isna eedo kala duwan u jeediyey gudoomiye cirro, kuna tilmaamay inaanu sharci u haysan isku soo baxa uu ugu baaqay shacabka gobolka maroodijeex, sidaas darteedna gudoomiyuhu uu xisbiga dabada galinayo arrimo reereed iyo qabaa’il lakala dhex dhigo shacabka somaliland.

Baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ayaa ay ka jirtaa xamaasad xoogan oo u dhaxaysa, taageerayaasha labada dhinac, iyadoo warar aan sugnayn oo lagu baahiyey lagu arkayey inuu jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo baadi goob ugu jira soo qabashada hogaamiyihii xisbiga mucaaridka ah ee waddani Xisri Xaaji Cali Hassan, taas oo warar aan la hubin tibaaxayaan in ciidamo kasoo waayeen guriga uu ka degan yahay hargeisa.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network.