Galleyda Kenya oo laga helay “Sun halis ah”

Baaritaan uu sameeyay mid kamid ah telefishinada maxalliga ee dalka Kenya ayaa lagu ogaaday in Galleyda lagu iibiyo suuqyada dalkaas laga helay maaddo sun ah oo la sheegay inay gaartay heerkii ugu sarreeyay, waxay arrintani caro ka dhalisay gudaha dalkaas.

Baaritaanka uu sameeyay telefishinka NTV, wuxuu tijaabiyay ilaa noocyo kala duwan oo isugu jiro Galleyda iyo Burka ay soo saaraan ilaa 12 shirkadood.

Galleyda ay soo saaraan saddex kamid ah shirkadahaas, waxaa laga helay maaddo sun ah oo la yiraahdo ‘aflatoxin’ taas oo gaartay heerkii ugu sarreeyay.

Maaddada Aflatoxin,waxay si dabiici ah uga dhalataa Galleyda taas oo sababi karta cudurka Kansarka.

Waaxda la socota tayada badeecadaha ee Kenya ayaa hakisay howsha shan shirkadood oo saaro Galleyda dalkaas kaddib markii ay ku aragtay inay saameysay maaddadan sunta ah isla markaasna shacabka dalkaas ugu baaqday inay aysan isticmaalin cuntadaas.