Kuwait Oo Talaabo Ka Qaaday Dadka Ka Gancsanayey Adoomaha

Dowladda Kuwaiti ayaa sheegatay inay u yeertay milkiilayaasha dhowr cinwaan oo baraha bulshada ah, kuwaasi oo loo isticmaalayay in lagu kala iibsado shaqaalaha.

Shaqaalaha guryaha ayaa si sharci darro ah loogu kala iibsadaa suuq madow oo dhinaca internet-ka ah, kaasoo ay sahleen adeegyada shirkadaha Google Play, Apple App Store, iyo algorithm oo isticmaalaya shirkadda Instagram, oo hoos tagta Facebook.

Dowladda ayaa sheegtay in dhammaan dadka ku lug leh ganacsigan ay meesha ka saaraan xayeesimaha lagu sameeynayo cinwaanadooda.

Waxaa sidoo kale lagu khasbay inay saxeexaan ballanqaad sharci ah, iyagoo ballanqaadaya inaanay mar dambe ka qaybqaadan doonin hawshan.

Waxay Mas’uuliyiintu sheegeen in si adag looga hortagi doono dhaqdhaqaaqyada ay sameeyaan adeegyada Online-ka ah ee shaqaalaha lagu kala iibsado.

Tan iyo markii ay kooxda BBC-da la xiriireen shirkadaha online-ka ee fududeeya ganacsiga sharci darrada ah, shirkadda 4Sale waxay meesha ka saartay ol’ole ay sameyneysay oo uu magaciisu ahaa “Shaqaale kala gudbinta”.

Dhanka kale barta Instagram ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadday cinwaanadaasi. Waxay sheegtay inay Facebook iyo Instagram ka saartay dhammaan cinwaanada lagu kala iibsanayay addoomada ayna ka hortagi doonto in cinwaano cusub oo ganacsigaasi ku saabsan laga sameysto.