Caasimada Kenya ee Nairobi ma waxay wajahaysaa biyo la’aan?

Caasimadda Kenya ee Nairobi ee sida xawliga ah u sii koreysa ayaa waxaa soo wajahaya dhibaatooyiin badan gaar ahaan tayada iyo helidda biyaha.

Gabaabsiga biyaha ayaa ku qasbay dad badan in ay biya ka soo iibsadaan goobo aysan biyahoodu nadiif ahayn.

Hadaba, heerkee ayay gaarsiisan tahay dhibaatada biyaha ee ka jirta Nairobi marka loo barbar dhigo magaalooyiinka waawayn ee kale ee Afrika?

Nahason Muguna, waa madaxa wakaaladda biyaha iyo bulaacadaha ee Nairobi mar uu dhawaan la hadlayay telefishin maxali ah ayaa waxa uu walaac ka muujiyay helida adeega biyaha caasimada,xilli ay tirada dadka ku nool Nairobi ay sii kordhayso.

Sanadki 1990, in ka badan 90% shacabka Kenya ee ku nool magalooyiinka waawayn ayaa awood u lahaa inay helaan biyo nadiif ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Waqti xaadirkan waxaa lagu qiyaasay in 50% ka mid ah 4 milyan iyo barka ku nool Nairobi ay awood u leeyihiin in ay helaan biyaha tuubooyiinka.

Qaar badan oo ka mid ah dadka Nairobi ku nool ayaa biyaha ka iibsada booyadaha biyaha wareejiya iyo dadka qaar oo iyaga si sharci daro ah tuubooyiinka ku soo xiriirsada.

Tan iyo sanaddii 2017 waxaa bilaabmay nidaam biyaha qeyb qeyb loogu siinayo xaafadaha caasimada.

Qaybo kala duwan oo ka tirsan caasimadda Nairobi ayaa maalmo cayiman helo biyo toddobaadkii halka qaarkood ay biyo helaan saacado kooban oo kali ah.

“Sida lagu xallin karo dhibaatada biyaha ayaa ah in la helo il cusub oo biyo ah,” ayuu yiri Mr Muguna.

“Biyaha aan imika isticmaalno ayaa loogu talagalay in la siiyo shacabka caasimadda ilaa 2000 sidii uu qorshuhu ahaa.”ayuu intaa ku daray.

.

Waxa socda mashaariic lagu ballaarinayo baaxadda biya xireenada iyo in la dhiso dhuumo qaada biyaha.

Qaar ka mid ah biya xireenadan ayaa lagu wadaa in dhismahooda la dhameystiro sanadka so socda.

Madaxa wakaalada biyaha ee Nairobi Mr Muguna ayaa sheegay in mashaariicdan ay ahayd in la dhameystiro toban sano ka hor,balse ay caqabado la soo gudboonaatay.

Biyo intee dhan ayay Nairobi u baahan tahay?

Waxaa hadda jira gabaabsi dhanka biyaha ah oo dhan 25% guriyaha Niarobi,sida ay sheegtay wakaalada biyaha ee Nairobi.

Waxaa sidoo kale dhibaato ay ka jirtaa Dhanka tayada biyaha tuubooyiinka ,gaar ahan xaafadaha isku raranka ah.

Biyaha bulaacadaha ayaa ku furmi kara tuubooyiinka qaad biyaha nadiifka ah taasi oo ay ugu wacan tahay nidaamka bulaacadaha oo liita ,sida ay sheegtay hay’ada caafimaadka adunka ee WHO.

Dowladda Kenya ayaa bartilmaameedsanaysa in sanadda 2030 uu qof waliba helo biyo nadiif ah.

Balse bartilmaameedyo hore oo ay dowlada dhigatay ayaan lagu guulaystay taasi oo ahayd in 80% guud ahaan ay dadka biyo helaan.

Qiimaynta guud ahaan qaranka ayaa ahayd in biya nadiiif ah ay helaan 57% guriyaha dabayaaqadii 2018.

Nairobi marka loo barbar dhigo magaalooyiinka kale?

Machadka kheyraadka caalamka ayaa daraasad ka sameeyay 15 magaalo oo ku yaalla dalalka soo koraya guud ahaan caalamka.

Magaalada Nairobi ma aha magaalooyinka ugu liita marka loo barbardhigo magaalooyiinka darasadda lagu sameeyay.

Marka gobolka la eego magaalooyiinka daraasadda laga sameeyay, Kampala iyo Lagos aya ka liita Niarobi marka la eego tuubooyiinka qaada biyaha.

Qaar badan oo ka mid ah xaafadaha isku raranka ee magaalada ugu wayn Nigeria ee Lagos ayaan gabi ahaan ba lahayn tuubooyiinka biyaha.

Darasadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in qiimaha biyuhu ay si aad ah u sareeyaan caasimado badan oo ah kuwa dalalka soo koraya.