Magaalooyinka Somaliland Oo Laga Bilaabay Ololaha Gurmadka Fatahaada Wabiyadda

Magaalooyin ka mid ah Somaliland oo ay ka mid yihiin Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco ayaa laga bilaabay dadaallo loogu gurmanaayo shacabka magaalada Beledweyne oo ay saameeyeen fatahaado xooggan.

Dhalinyaradda, Waxgaradka iyo Culimadda ayaa garwadeen ka ah qorshaha loogu gurmanaayo shacabka Beledweyne, waxaana ay tagayaan goobaha ganacsiga, Masaajidda iyo Goobaha waxbarashada.

Magaalada Ceerigaabo ayaa dhalinyaradda iyo culimadu ka waddaan gurmadshadda shacabka Beledweyne waxaana makarafoono ay la dhexmarayaan wadooyinka Magaalada, halka Hargeysa iyo Burco culimada ay ka waddaan Masaajidda.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli degaano ka mida ah Galmudug iyo Puntland uu si xowli ah kaga socdo Gurmadka Shacabka Magaalada Beledweyne oo ay saameeyeen fatahaado uu sameeyay wabiga Shabeelle.
Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale ka socda gurmad ay waddaan dhalinyarada, culimadda iyo qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan.