Maayirka Degmada Gabiley Oo Xuska Farxada Dhalashada Nabiga Kulan Qaddo ah La Qaatay Caruurta Agoomaha.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha golaha degaanka degmada gabiley Ahna Duqa Degmada Gabiley Mud: Maxamed Aamiin Cumar Cabdi iyo xildhibaano ka tirsan xubnah golaha degaanka degmada gabiley ayaa maanta kulamo booqasho iyo farxad la qaybsi ah la qaatey Caruurta agoomaha ah ee ku kala jira xarumaha sida xarunta Dawladu ay gacanta ku hayso ee agoonta iyo tan ay hay’ada Kuwait gacanta ku hayso, iyagoo awlaadaasi yar-yar ku wareejiyey agab u badan cuntooyinka fudud ama macmacaan ay cunaan xiliyada “Break Time”ka, gudoonsiiyey.

Aminta ay booqashadani ku soo beegmayso ayaa ah maalin barkhadeed oo barakeysan Waa dhalashadii Nabbiyu-laahi Muxamed “N.N.K.H”, Gaalaa-bixinta safarkani labada xarumood ayaa daarnaa gaadhsiinta agabkaasi uu Gudoomiyaha golaha degaanka degmada gabiley iyo teamkiisa golaha degaanku ugu tala-galey ardeydaasi agoomaha ah iney break timekooda qaataan ku gudoonsiiyeen labada xarumood gudahooda iyagoo si il-dheer ahna ugu kuur-galey xaalada ay ku sugan yihiin caruurtaasi agoomaha ah ee lagu daryeelo xarumuhu, 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.