Madaxweyne Farmaajo oo Safar Wakhti Kooban Ah Ku Tagay Beledweyne.

Muqdisho(GNN):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kooban safar ku tagay magaalada Beledweyne ee daadadku harqiyeen. Dhinaca kale, waxaa hoos u dhac uu ku yimid heerka biyaha wabiga Shabeelle ee magaalada ku fatahay, taasoo sababtay in dib ay u bilowdaan isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee qeybo ka tirsan magaalada.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Socodkan madaxweynaha iyo Khudbada Uu Ka Jeeediyey.