Maxamed Jawar Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Kasoo yeedhay Haweenyada Madaxweynaha Ka Dalka Ethiopia.

Addisababa(GNN):-Kadib rabshadihii todobaadadii ugu danbeeyey ka dhacay dalka ethiopia ayaa Waxaa uu  Jawar Mohammad maanta si adag uga jawaabay hadal ay dhawaan Madaxweynaha Itoobiya ku sheegtay in laga gudbay Khadkii Casaa,

Kadib ayey sheegtay  rabshadihii dadka badani Ku dhinteen ee ka dhacay Deegaanka Oromia, Jawar oo arrintaa daba socda ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa gaarka ee Facebook waxa uu ahaa mid jawaab u ah hadal hore uga sooyeedhay madaxweynaha itoobiya haweenayda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde

Jawar Maxamed ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan-“Sida dhabta ah, Khadka cas ee aad sheegtay in laga gudbay, dhowr mar oo hore aya laga gudbay tan iyo intii aad xilka madaxweynimo aad qabatay, Siday ku dhacday in aanad hore u arag (Khadka cas ee laga gudbay) markii ay Maleeshiyaad hubaysan Deegaanka Amxaarada ku xasuuqeen 250 qof oo iskugu jira Dumar,Caruur iyo rag u dhashay dadka laga tirada badanyahey ee Gumuz dhowr bilood oo kaliya ka hor? Khadkii casaa waxa laga gudbayaa Illaa hadda Gonder badhtankeeda, oo lagu kacayaa falal ka dhan ah Qowmiyadda laga tirada badanyahey ee Qiment. Maxaa khadkaa cas ee laga gudbay looga hadli waayay markaanu habeen iyo maalin ka hadli jirnay, Mise Khadka casi Oromia oo kaliya ayuu ka jiraa? Aan Ku daro’e Maxaa ka socda Dooxada Omo?” Jawar Mohammad

 

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com