War Deg-Dega-Agaasime Ka Tirsanaa Dawlada Federalka Somalia Oo Caawa Ku Geeriyooday Is Rasaaseyn Ka Dhacday Garoowe.

Garoowe(GNN):-Allaha u naxariistee ku xigeenkii agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland ayaa goor dhaw u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal magaalada Garowe ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland.

Cabdikariim Maxamed Faarax “Dhagaweyne” ayay rasaasta ay isku ridayeen ciidamadu waxa ay kula kulantay goob ganacsi oo uu kulahaa meel aan ka dheereyn Aqalka Baarlamaanka Puntland oo ay caawa weerareen ciidamada gaar ka ah ee Madaxtooyada Puntland.

Is-saasayn mudo socotay ayaa afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka ku dhex martay ilaalada Aqalka baarlamaanka iyo ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ka mida yahay askartii uu dagaalku dhex maray iyo agaasime ku xigeenkii hey’adda socdaalka Soomaaliya faraceeda Garowe, sidoo kalana ahaa ganacsade caan ah ayaa ku geeriyooday shaqaaqada, waxaana jira dhaawacyo kale.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay cidda heysata xaruntii la weeraray ee baarlamaanka Puntland, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay wali ku suganyihiin ilaaladii lagu soo weeraray ee horay u joogtay.

Weerarka caawa lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu maanta fasax saddex maalmood ah uu xildhibaanada u diray guddoomiyaha baarlamaanka Puntalnd, oo sida la sheegay mooshin laga keenay.

Mudooyinkii dambe madaxda ugu sareysa Puntland ayaa waxaa ka dhex jiray khilaaf waxa uu ka dhashay aysan cadeyn, kaas oo haatan isisoo taraya gacan ka hadalna isku badalay caawa.

Ilo Wareedyo kale ayaa iyagu noo sheegay in amarka ciidamadan weerarka ku qaaday xarunta baarlamaanka puthland uu kasoo fulay bixiyeena qaar kamida madaxda ugu sareysa maamulka puthland.

 

Gabiley News Network

Garoowe Puthland Office.