Musuqmaasuq Lagula Kacay Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer.W/Q:- Noum M Mouse.

Shaqaalihii Magac badalka iyo buuxinta loo sameeyay ee Gobolka Togdheer , oo loo soo daayay lacag 9 bilood ah oo sanadka ay lahayeen, lacagtii markii ay soo dhacday bishan sagalaad , ay soo dhaaftay hay’adaha dawladda Somaliland, ayaa maamulka lacagta ee G/ Togdheer ay gosteen calaa qof bil lacagtii u soo dhacday , waxayna ugu hanjabeen qofkii diida inaanu waxba u soo baxayn musuqaa waxaa ku kacay

1. Mustafe dheeg

2. A/ fatax farah juuqa

3. Isduwe adan malay,

Xaga wasaaradda dhexe waxa arrintaas shaqo ku yeelanaya agaasimaha guud iyo admin and finance ka wasaaradda sidaa daradeed lacagtaasi oo gaadhaysa $3000 iyo dheeraad ayaa laga goostay masaakiintaas sida volunteers ka mudada dheer dawladda kula shaqaynayay, waxaa intaas dheer labadaa xubnoo mustafe iyo ina farax juuqa lacag joogta ah ee shaqaalaha wasaaradda Cafimaadka ayay ka goostaan bil kasta qofka A grade ah 50000slsh, qofka B da ah 20000slsh halka ku kalena ee C, D ay ka goostaan inta u dhaxaysa 5000 ilaa 10000slsh, sidaa daradeed nimankaasi waa niman siday doonaan yeela , xitaa aan qofka shaqaalaha waxiisa Iska cuna, waana silsilad isku xidhan ilaa isuduwaha waxba lagama qaban karo qofka cabashadiisa gaadhsiiya.

Xigasho shaqaalaha wasarada hormarinta caafimaadka gobalka Togdheer.

W/Q:-Nouman M Muse