Tahriibayaal gaaraya 57 oo geeriyooday

Ugu yaraan 57 qof ayaa dhimatay kaddib doon ku qallibantay xeebta Mauritania, sida ay sheegtay wakaaladda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Doontan ayaa ka ambabaxday Gambia isbuuc ka hor, iyada oo sidda 150 qaxooti ah.

Dadkii badbaaday ayaa Qaramada Midoobay u sheegay in doonta uu shidaalka ka sii dhamaanayay xilligii ay ku sii wajahnayd xeebta Mauritania.

Marin-biyoodkan ayaa horay muhaajiriin badan ugu ahaa halka ay badanaa u maraan Yurub, balse hadda Libya ayaa ah meesha ugu badan ee ay muhaajiriinta isticmaalaan.