Kulan Hawleed Lagu Gorfaynayo Qorshe Hawleedka Sannadka 2020 ee Haayada Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Maanta Ka Furmay Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Kulan Hawleedkan oo Lagu Qorsheynayey hawlaha sannadkan bilowga ah ee 2020 ay ku shaqeyn doonto haayada maamul Wanaaga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa Maanta si rasmiya uga furmay magaalada hargeisa, Waxaana Dhammaan Ka Qayb galayey Agaasime Waaxeeyada Haayada, kulankan oo lagu ansixinayo qorshe hawleedka  haayada  Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo  uu Furay Gudoomiyaha hay’ada Mudane Daybi Aadan Xaaji Cali isagoo sharaxay qorshe hawleedkan Lagu Dhaqi doono haayda Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Sannadka 2020, Waxaanu Sidoo kale Xusay in Haayada La Dagaalanka Musuqu tahay Meesha Qaranka Laga Dheehanayo Maamul Wanaaga iyo Qorshe Hawleedka sida ay ugu Adeegayso Qaranka, Waxaanu Kula Dardaarmay Shaqaalaha Kala Duwan ee Hay’ada in Labadaa cisho oo ay si joogto ah ugu qaadan doonaan wakhtigooda Kulankan Lagu Gorfeeyo sidii Loo Qorsheyn lahaa, Talaabooyinka ay Ku Shaqeyn doonto Haayada Maamul Wanaaga iyo Musumaasuqa Qaranka Somaliland.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Faahfaahinta Warkan.