Marwada koowaad ee Lesotho oo lagu soo oogay dacwad ah inay dishay xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha

Marwada Koowaad ee dalka Lesotho ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay dishay xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Maesaiah Thabane ayaa Talaadadii iska xaadirisay saldhigga booliska, waxaana la filaya in maanta ay kasoo hor muuqato maxkamad.

Waxaa sidoo kale ay booliska su’aalo weyddiyeen ra’iisul wasaare Thomas Thabane.

Xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha Lesotho, Lipolelo Thabane ayaa sannadkii 2017-kii lagu toogtay xilli ay ku sugneyd gurigeeda oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Maseru labo uun ka hor intii aan xilka loo caleemo saarin.