Siyaasi Cabdilaahi Dirawal Oo Sheegay In Ay Khiyaamo Mudo Kordhineed Ku Jirto Heshiishka Xisbiyada Iyo Xukuumada.

Hargeisa(GNN):-Siyaasi Muj Cabdilaahi Iimaan Dirawal oo kamid haldoor reer Somaliland ayaa ka hadlay heshishka ay dhawaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland ka gadheen xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumada madaxwayne biixi. Isagoo sheegay in aanu heshiishkani dan uhayn Somaliland islamarkaana ay ku jirto khiyaamo.

Sidoo kale cabdilaahi dirawal ayaa ku baaqay In dib loo dhigo doorashada golayaasha deegaana hadii aan la doonaynin in  xisbiyada loo kordhiyo mudo xileedkooda,

Dhanka kale siyaasi dirawal ayaa ka hadlay wafti dalka masar ka socday oo dhawaan yimiday somaliland isagoo xusay in aanay Somaliland xidhiidhka ay la leedahay dalka itoobiya ku doorsan Karin mid ay la yeelato dalka masar

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;