MADASHA-WADA-TASHIGA:

Hadaanu nahay shacabka reer somaliand idiinma aragno magaca aad la baxdeen sida aad uga jeedaan. (( MADASHA WADADA TASHIGA )) magucu markuu Intaa ku koobanyahay si walba waa loo qaadan karaa waxase fasiraad ka bixiya ficilada laga arko isticmaalayasha magaca.

Ma isleeyhiin siday magaca ula baxeen iyo ficilkoodu?
Wa maya!
Magacu waa madasha:

Ficilkoodu-se wuxuu ku sifoobayaa Waa madasha
Xasadka ,xiqdiga, xajiimaynta, ceebaynta cambaaraynta , isuku dirka iyo dhego u sifeynta cadawga umada reer somaliland.
Kuwani waa kuwii umada dhar sanadood wax xunsheega la soo horjoogey ee media taagna wali wixii umada dhib soo gaadhay abaar iyo oodo lulul maynaan arag iyagoo Dan Umadeed ka hadlaya, badankoodu waa ciilqabayaal hamuun kursi hayso mid doonayey iyo mid cid u doonayeyba

Eeda aan isu daba dhigay waxa markhaati ka ah shacabkayga waa meesha debecsan eegayaal Uma qabaan in iyagu odayaashi dhulka lahaa yihiin fadeexada ay qaranka ku hayaan iyo dhawaqooda cadawgu fogeynayo way arkaan ee muse ayaa u muuqda .

Maansadaydii dhan-xiir waxa ku jirey tuduc odhanaya (( XANUUNKI ALLE KEENAY XASABA U HOREEYO DHASHII XAAWIYO AADAM ISAG MID XABAALAY DHAN-XIIROW XERADA XIDIGAHA LAGA OOD.
Maanta umadu waxay arkaysaa ficaladiini hore ee nacaybka xadhkaha goostay ku jirey ma hebel baan arkaayey ma hebel ma hebel ma hebel.
Sheekada ay kuwada socdaan waa in qolo nacayb xejin weyday iyo in qoys nacayb xejin weyday.

Rag badan oo ku faana mujaahid baan ahaa hada way saqiireen oo wiilasha yaryare kamaradaha hudheelada la hor taagan ayaa makarafoon hoos haya si ay calal aqal wuxuun madaxweyne-weynaha wax sheegaan

Waa laga yaaba inay qaar snm soo mareen nasiib daro iyadoon halgankii dhamaan haduu raadiiksi dib u raaco saw ayaan daro maaha o aad eegto uun kursiga hebel ku fadhiyo

Kursigu waa qoraal alle iyo wadda loo maro oo ah (( rocky road )) meel u baahan dadaal ay doqonimo ka dheertahay laguna gaadho adkaysi, waayo-aragnimo- geesinimo, dulqaad, ku dhac ,cod-karnimo iyo inaad tahay nin-celis sokeeye iyo shisheeye rag wax iskaga tiriyo

Waxan so qaadanayaa odhaa aan aad u jeclahay oo ah ((ragu wa wada rag marka reerka la joogo )) oo Hal-qabsina u ah marka xaaladuhu kala degenyihiin nin waliba waa ina balool bayle raga la siman

Inaadeerka fayna kuuma ogola fool-xumana wuu kugu caaya,madaxweyne-weynuhu wa bashar cid odhan karto ma khaldamo ma jirto aadamaynu u nahay khaladaadka sidee se basharka loo saxaa haduu khaldamo,macay af-lagaado,ceebayn ,canbaarayn,makarafoon arkaay maqlaay.

Ma waxaad naleediin anagaa madaxweyne-weynaha wadanka iyo dadka uga lexejeclo badan, waxan hubaa inta magaca madasha sheegata intooda badani danta wadanka inaanay habeen u gaajoon u dibjirin silic iyo saxariirtona u mudan markaa cidna makhaldi karaysaan nacaybka aad xambaarsantihiina cid idinka rogaysaa majirtee waligiin sita.

Madaxweyne-weyne waanu kugu habalyaynaynaa inaad (( super power )) kii danta qaranka isku haysaan soomalilana aad gaadhsiisey meel caalamkii uu ku soo hiranaayo
Kol hadaad madaxdii Afrika dhinac iskadhigtay quwadihii aduunkuna ku baryayaan kuwa meelahan media taagan waa budooy ii ool shacabka ku filan waxa la yidhi hadaad waxaa eegto waxa ka sokeeyana eeg.

Reer guurayba meel degey odeygii reerka u weyna oo meel danbe soo luudayey baa reerki dhafaafay markaasa la yidhi ee soo weeco reerki halkanuu degeye wuxuu yidhi (( waan arkayaaye waa ogaan garab mar )) waxan u jeedaa raga cirada leh ee madasha sheegta ee media taagan ee maalin walba qaranka huuryada u qoomayaa waxa way garacayaane waa ogaan garab mar
Tixdaydii Arbe waxay yidhi
Erey aan dux lahayno nin shisheeye arbow ka yidhaahdo afkiisiyo sacabkay alwiyaan

Waxa aan ahay maanta doqontii AMACEE boqolkeeda indhood mid waxaana ahayn sokeeyaha ku arkaysay.

Ibrahim Adam Cilmi (( qumaash ))
Uk

Exit mobile version