Hargeisa(GNN):-Dawladda Shiinaha ayaa sii wadda Farriimaha adag ee Hawada u marinayso Taiwan, tan iyo markii ay xidhiidhka diblumaasiyadeed la samaysatay Jamhuuriyadda Somaliland.
Safiirka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay wuxuu Internet-ka ku baahinayey hadallo adag, kuwaasi oo lid ku ah Dawladda Taiwan, isagoo ku celceliyey in Taiwan oo hore uga goโday Shiinuhu ay weligeedba ka mid sii mid ahaan doonto.
Safiirku wuxuu sheegay inaan China weerarrin dalalka kale, laakiin aanay ogolaanayn in China la weerarro โChina ma weerarri doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro China. China ma dhiirigeliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo..โayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray โMadax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina maย lumin doono Taako dhul ah..โ
Safiir Qin Jian oo si is xig-xigta qoraallo luqad adag ku qoran ugu baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaaย waxa kale oo uu sheegay โChina wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000 kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka China 5000 kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaaย dhulka China illaa dunida la rogo.โ Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyeyย โChina wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka goโdo dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran..โ
Dagaalka siyaasadeed iyo ka Warbaahinta ee Shiinuhu ku hayo Taiwan ayaa sii xoogaystay intii ka dambaysey xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay yeesheen Taiwan iyo Somaliland, kuwaasi oo is-dhaafsaday Wakiillo u kala jooga Hargeysa iyo Tiapea.