Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa si kooban uga Warbixiyay Wiishash Casriya oo ka hawlgeli doona Dekeda cusub ee Berbera, oo dhowaan xadhiga laga jari-doono.

Hargeisa(GNN):-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Eng Siciid Xassan C/laahi ayaa yidhi “Qalabkani ayaa ka kooban 8 Wiish oo ah nooca loo yaqaano ( Rubber Tyred Gantry Cranes (RTGs), waxana hada Dekeda soo gaadhay 4 kamid oo u Maanta kusoo xidhay Dekeda dalka Markabkii siday.
Sidoo kale afarta Wiish ee kale ayaa dhowaan bisha koowaad ee sanaadka cusub 2021, kusoo fool leh dalka, waxana la rakibi doonaa Qalabka lagaga hawlgelayo Dekeda Berbera ee cusub, taasoo noqon doonta mid Casriya,waxaaney meesha ka saari doontaa culeys shaqo oo markii hore ka jiray deked iyadoo shaqada ka dhigaysa hadda mid uga culeys yar sidii hore.” Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Dekeda Ugu weyn ee magaalada berbera ayaa sanadihii ugu danbeeyey ahayd mid horumarkeedu sii kordhayo, iyadoo wakhtigan ay gacanta ku hayso Shirkada Dp World, ay Ku kor joogteeyaan madaxda Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland oo ugu horeeyo Maareeye Siciid.

Image may contain: sky and outdoor

Image may contain: sky and outdoor

 

Image may contain: sky and outdoor

Image may contain: sky and outdoor