Musharax Maxamed Xuseen Nuur(Maxamed Soobe) Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Shacabka Xaafada Magaalo Biixi Oo Aan Wax Goob Diwaangalinta Qaadashada Kaadhka ah La Gaynin.

Hargeisa(GNN):-Musharax Maxamed Xuseen Nuur Soobe Oo kamida Musharaxiinta u sharaxan Golaha Wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee Gobolka Maroodijeex ayaa maanta waxaa uu kormeero kala duwan kusoo sameeyey goobaha qaadashada kaadhka diwaangalinta codbixinta ee caasimada hargeisa, sidoo kale waxaa uu musharax Maxamed Soobe Booqday Xaafada Magaalo biixi oo ah dad gaadhaya ilaa todoba boqol oo qof oo laga raray xaafado kamida gudaha caasimada hargeisa, kuwaas oo ilaa hadda aaney komishanka doorashooyinka qaranku gaynin Goobo ay dadkani ka qaataan kaadhadhka qaadashada kaadhka diwaangalinta codbixiyaha.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.