Dhul-gariir Xoog-leh oo ka dhacay Magaalada Borama iyo Xogo ku saabsan.

Borama(GNN):-Wararka aanu ka helayno magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa sheegaya in  xalay 1: 17 Daqiiqo ka dhacay Dhul Gariir  weyn kaas oo dadka hurdada ka soo kiciyay.

Dhul Gariirkan oo ilbidhiqsiyo kooban ahaa, ahaa argagax ku riday bulshada ku nool magaalada Borama qaybaheeda kala duwan.

Waxaa kale oo wararku intaas ku dareen in laga dareemay deegaanada deriska la ah, sida DDS.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dhul Gariirkaasi, maamulka iyo masuuliyintuna kamay hadal

Maaha markii ugu horeysya ee dhulgariir aan cabirkiisu sareyn laga dareemo gudaha caasimada borama ee xarunta Gobolka awdal, iyadoo dadka arrimahan ka faalloodaa ku tilmaameen in ay u sabab tahay buuraha ku hareeraysan magaalada.