Wargeyska New York Times oo sheegay in xannuunka Covid-19 uu Somaliland dadka ugu laynayo si aamusnaan ah.

Wargeysku wuxu sheegay in dadka xannuunka laga helaa aanay tagin Cisbitaallada,balse marka danbe guryahooda ku dhintaan

Hargeysa (GNN) Xaalada Somaliland ee Xannuunka Coronavirus ayaa laga dayriyay,iyada oo aanay jirin warbixino la xidhiidha xaaladda xannuunka ee xilliga,Somaliland iyo heerka uu marayo.

Wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa warbixin la xidhiidha arrinta xannuunka Covid-19 ka qoray Somaliland,wuxu daabacay warbixin uu kaga hadlayo Cisbitaalka kali ah ee Hargaysa lag dabiibo dadka uu asiibo xannuunka Covid-19.”Qiyaas ahaan boqolkiiba sideetan bukaanada laga helo Covid-19 ee Cisbitaalka guud ee Hargeysi u soo gudbiyo Daryeel Hospital nooma yimaadaan,guryahooda ayay ku dhintaan sidaa waxaa wargeyska New York Times u sheegay Dr.Yusuf Maxamed Axmed oo ka hawlgala Daryeel Hospital.

Waxa uu intaasi raaciyay in xannuunka Coronavirus dadka aamusnaan ku laayay iyada oo ay guryahooda ku dhimanayaan sida uu sheegay “Hadda Virus-ku dadka aamusnaan buu ku laynayaa”ayuu sheegay dhakhtarka la hadlayay wargeysku.

Randa Xasan Maxamed oo ah kalkaaliso caafimaad oo ka shaqaysa Daryeel Hospital Hargaysa ayaa bukaan qabay xannuunka Covid-19 dibeddauga saartay Cisbitaalka,iyada oo ka saartay qolkii uu jiifay,si uu u helo hawada dabiiciga ah iyo cadceeda taasi oo qayb ka ah dedaallada lagu samato-bixinayo dadka xannuunkaasi ku haleelo gudaha Somaliland.

Wargeysku waxa kale oo uu hadal qaaday tacsida badan ee bogagga Baraha bulshada daadsan,taasi oo uu tilmaan uga dhigayo tiro badnida geerida “COVID19 waxa uu la soo laabtay aar-gudasho” ayuu sheegay wargeyska oo soo xiganaya dadka uu waraystay.

Dr.Xuseen Cabdilahi Cali ayaa Wargeyska u sheegay in dhibaatooyinka u waawayn ee Somaliland ka jira ay ka mid tahay in dadka Cisbitaalka la geeyo marka ugu danbeysa ee bukaanku uu ku jiro xaalada hakis ah oo aan waxba laga qaban karin.

Source Credite:- Geeska Afrika