Deg-Deg-Somaliland Oo Fasax Galisay Dhammaan Shaqalaaha Dawlada Xaalada Xanuunka Corona Oo Laga Dayrinayo.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Amar Kasoo Baxay Hay’ada shaqaalaha Dawlada lagu sheegay sidan.

Agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, Maxamed Geedi Caynaanshe, ayaa sheegay in ay fasax yihiin guud ahaan shaqaalaha dawladdu, illa amar danbe.

Fasaxan ayaa ku soo beegmaya xilli uu xannuunka safmarka ah ee Covod-19 uu waddanka fara ba’an ku hayo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in madax xafiiseedka iyo ku xigeenadoodu ay iyagu shaqada sii wadayaan.

Maantay uunbay ahayd markii uu soo baxay amar lagu dasax dhammaan dugsiyada gobollada dalka oo dhan.