Labada Xildhibaan ee Ugu Codka Badan Golaha Wakiilada Jsl iyo Goleyaasha Deegaanka Oo Noqday Barkhd Batuun iyo C,kariin Axmed Mooge.

Hargeisa(GNN):-Labadan Musharax oo ah labadii Musharax ee abid ugu codbadnaa goleyaasha deegaanka iyo wakiilada somaliland ayaa ah laba musharax oo bulshada somaliland qaab ka duwan nidaamka beelaha uga codsaday inay codkooda usiiyaan waxaaney kala yihiin labada musharax  Barkhad Jaamac Batuun oo ku guuleystay xildhibaan golaha wakiilada ah iyo C,kariin Axmed Mooge Oo isna ku guuleystay xubni golaha deegaanka caasimada hargeisa waxaanay kala helen sidan.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa noqday Xildhibaanka ugu codka badan Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland. Wuxuu helay 20,231 cod.

Xildhibaan C,kariin Axmed Mooge oo kusoo baxay golah deegaanka caasimada hargeisa ayaa helay codad dhan 26,299

Waxaanay sidaa ku noqdeen Labada musharax ee ugu codadka badan labada gole ee wakiilada iyo deegaanka somaliland.