BAAFIN; Waxaa La Baafinayaa Haweenka Magacyadoodu Halkan Hoose Ku Qoran Yihiin!
Dadka Magacyadoodu Halkan hoose ku Qoran yihiin waxa baafinaya Eheladoodii, haddii ay fariintan helaan ama ay jirto cid garanaysaa halasoo xidhiidhaan telefoonada hoosta ku qoran.
Baafin 1: Faadumo Maxamed Axmed
Waxaa la Raadinayaa Faadumo Maxamed Axmed oo kasoo jeeda Nawaaxiga magaalada Jigjiga , waxay ku nooleyd sanadihii sagaashamaadkii (1990s) magaalada Djibouti, waxaa raadinaaya inankeedii oo ay ku dhashay Djibouti.
Baafin 2: Amina Cabdi Xaashi
Waxaa la baafinayaa Amina Cabdi Xaashi oo kasoo jeeda magaalada Baydhabo, waxay degenayd Djibouti sanadihii sagaashamaadkii (1990s) , waxaa raadinaaya Inanteeda oo ay Djibouti ku dhashay.
Baafin 3: Amina Cabdi Muxumed
Waxaa la baafinayaa Amina Cabdi Muxumed oo kasoo jeeda magaalada Diridhaba ama Kililka 5aad ee somalida, waxay ku nooleyd Djibouti sanadihii sagaashamaadkii (1990s, waxaa raadinaaya inankeeda oo ay Djibouti ku dhashay.