Gabiley(GNN)Soomaalidaa ku Maah-maahda (Cuni Waydee Ka Ciidee), Taasi waxa u dhiganta maanta arinta ay ku hawlan tahay dawlada federaalka ee Soomaaliya, Oo meel kasta dhigtey dacwad ka dhan ah dalka (AUE) yadoo sheeganaysa in faro-galin dalkaasi ku hayo Soomaaliya qaybo ka mid ah waa Somalilandne, Arinkani waxa caalamka u qaybinaya oo ku baahiyey Wasiirka Wasaarada Khaarajiga Soomaaliya Mr. Axmed Ciise Cawad oo ka doodey maalintii doraad aheyd Xarunta Jaamacada Carabta isagoo cuskanaya in wada Imaaraadka haday Soomaaliya Fara-galiso ka ogolaaneyn Dawada (AUE), Sidaa si la mid ah ayaanaan u ogolayn in dhulka Soomaaliya cid kale noo soo dhaafto Waa doodii dacwada uu ninkaasi ku durayey heshiiska (D.P Word) ee Marsada Ber-bera.
Arintani waa bilawgii dagaalka dibloomaasiyada kii ugu qadhaadhaa ee dhex mara wadamada Soomaaliya Iyo Somaliland kaasoo marba marka ka danbaysa hawada u sii baxaya hada waxaan ilo xog-ogaal ah ka helay warer sheegaya in hawshii ugu danbeysay ee Wasiirka Khaarajigu Soomaaliya qabtaa ay tahay Waraaq dacwada ah oo uu gudbiyey (United Nation) ama Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa, Yadoo ay wali ka quusan laadahay Soomaaliya heshiiska caalamiga ah ee ay Somaliland la gashey dalka Isu-taga-imaaraadka oo si rasmi ah u Maal-gashanaya Dekeda marinkeedu muhiimka yahay ee (Ber-bera Port), Balse markii uu dhacay heshiikan Ber-beraad waxa soo baxaya dagaalo qaawan oo naxariis-daran oo dhinaca dawlada Soomaaliya yadoo ku dacwooneysa in heshiiska lala baal-marey.
Dagaaladaa culus ee ku socda dawlada jamhuuriyada Somaliland ma muuqato wax fal-celina oo xaga Somaliland ah , Marka laga reebo hanjabadii ay muteysteen walo-weyntu Ee Madaxweynaha Dalkan Somaliland gaashaanka ugu daruurey Mudane (Muuse Biixi Cabdi), Oo isagu gutey waajibaadkii Madaxweynenimo, Balse waxa habacsanaani ka muuqataa bilaa qorshe ah ilaa maantana ka Agnaan ah hawlaheedu Waa Wasaarada Khaarajiga Somaliland, Oon far kaliyaata aan dhaqin umuuraheedana dhinac ugu dhaq-dhaqaaqin si ay ugu babac-dhigto dhigeeda Soomaaliya ee isku dayeysa iney Somaliland albaabada caalamiga ah ka xidho (Control Option Step Of International Community), Wasaaradani caadi ahaan maba moodid mid leh qorshe cad oo ay ku hawl-gasho si ay u buuxiso gudashada waajibaadkeeda khaarajinimo ee dawlada Somaliland ay u bada-fadhiisato, Inta badan sanadahan danbe ilaa muddo Afar sanno laga joogo waxa ka muuqda culays badan oo hoos u dhac ah.
Markaa waxaan talo ahaan soo jeedinayaa in maanta dawlada Somaliland ay u baahan tahay khabiiro caalamiya kuna xidhan dawladaha caalamka ama dibloomaasiyiin aqoon u leh shaqada xidhiidhka iyo siyaasada arimaha dibbada, Waayo waxay fadhiid ku noqotey wasaarada khaarajigu ka qayb qaadashada umuuraha caalamiga ee sida (Geeska-afrika, Qaarada Afrika, Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa), Si cad oo bilaa turxaana ayey khadka uga baxdey dawladii Somaliland dhinaca Umuuraha Dibbada tanina waxay ku keentay in maanta muran la galiyo heshiisyadii ay nasiibka u heshay ee la xidhiidha maal-gashiyada caalamiga ah, Sida ay soomaaliya u sameynayso dadaalada ku aadan dhicana soo xidhitaan suuqyada caalamka , Yaduna Somaliland waa iney talaabo ka qaadaa sidii ay ugu guulaysan lahayd kasbashada Beesha-caalamka iyo arimaha kaga xidhanba taasina waxa suura-galin kara dibloomaasiyiin bisil oo ay Somaliland wasaaradeeda Khaarajigu Hesho.
Saameyn Intee Leeg Ayey Somaliland Ku Keenaysaa Dacwadaasi Qaramada Midoobey Looga Gudbiyey Ee Soomaaliya Ay Dabada Ka Wado????
Horta arinkani dhinac waa uga jaanis Somaliland dhinaca waa u hoog iyo habeen baas oo u dumey, Aan ku bilaabo dhinaca jaaniska u ah Somaliland waa iney Somaliland heshay magac ama maqaam lagu soo hadal-qaado ama ay marti u noqoto Xarunta Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa waa hadii dacwada lagu soo casuumo goob-joog ahaa, Runtii waa martabad mar hadii (UNtu) dhexdeeda ay Magaca Somaliland gaadho iyo madaxdeeduba barrina Madax-banaanideeda uun baa lagaga doodi, Dhinaca kale ee gabalka baas ah waa hadii dacwadu durto Somaliland sida sharciyanka ahna la qiimeeyo Aqoonsiga Soomaaliya iyo dawladnimadeeda caalamiga ah oo Somaliland laga dhigo meel ka tirsan Soomaaliya isla markaana lagu khasbo dawlada Imaaraadka Carabta iney Soomaaliya Soo Maraan.
Guntiyo gaba-gabadii Somaliland waxay dooneysaa amaba ay tabeysaa dibloomaasiyiin la dagaal gala dibloomaasiyada Soomaaliya lana qudhiya si caalamiya, Imikana xaqiiqatan kuwaasi ma Joogaan Wasaarada Qaranka U igman Ee Khaarajiga koox dibloomaasiyiin ah, Laakiin gudaha Somaliland wey ku nool yihiin waxaana ka mid ah raga caalamiga ee dunida in badan ina soo barey (Amb; Xuseen Cali Ducaale ,Cawil) , (C/Laahi Maxamed Ducaale), Iyo waliba (Amb: Aadan Muuse Jibriil) safiirkii shaley istiqaalada dhiibey ee Midawga Afrika Iyo Igadd u qaabilsanaa Jamhuuriyada Somaliland oo isu-casiley garsho la,aanta shaqo ee hogaanka Wasaarada KHaarajiga Qaranka.
Qalinka: C/raxmaan Sayid FaaraxI(Jeesto)
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland
|