WARARKA




Gabadh u dhalatay Koonfur Afrika oo ku guulaysatay tartanka quruxda adduunka

Gabadhan oo lagu magacaabo Zozibini Tunzi, ayaa habeenkii Axadda ahaa ku guulaysatay tartanka quruxda adduunka ee sanadka 2019-ka.

Ms Tunzi ayaa markii loo soo bandhigay suโ€™aalaha ku jawaabtay in waxa ugu muhiimsan ee gabdhaha looga baahanyahay inay tahay barashada sida hoggaanka loo qabto.

โ€œWaa arrin ay gabdhaha daโ€™da yar aysan helin muddo dheer maxaa yeelay bulshada ayaa ugu tala gashay inaysan baranin. Waxa aan aaminsanahay inay dumarka yihiin kuwa ugu awoodda badan dunida.โ€ Ayey tiri.

Ms Tunzi ayaa marar badan baraha bulshada ka samaysay olole ay ku wacyigelinayso dumarka.