Telesom Cashuurtii Ku Waajibtay Ma Bixisaa, Muxuu Yahayse Xadiga Dhaqaalaha Ay Somaliland Ka Faa’iido.?

Hargeisa(GNN):-Shirkadda TELESOM waa shirkadda kaliya ee ugu balaadhan isgaadshiinta, waxa dadka falanqeeya ku tilmaameen inay faaa’iiddo 300%, haseyeeshee yar tahay waxay dadka dib ugu celiso.

Sidoo kale, lacagta badan ee ay wadanka ka hesho oo ay u samaysatay Baanan gaar ah oo ay iyadu leedahay inta badan lacagta waxay u dirtaa Jabuuti ama baananka Yurub, taasina waxay ku cadaynaysa in aanay dalkii ay lacagtan ka heshay aaminsanayn.

Tusaale ahaan dhowaan markii madaxweynuhu amar ka soo saaray in boqol dolar wixii ka yar la mamnuuci doono 48 saacadood, waxa dhacay in dadkii Zaadka ugu jirtay Lacagtu ku qamaameen xarumihii TELESOM taas oo lacagba laga waayo, saddex cisho oo dadku lacagtoodii ka gurayeen saacado kooban gudahood ayey xafiisyadooda ku xidhayeen, maadaama oo kolba lacagtu go’aysay, waxaana warar lagu kalsoon yahay sheegeen inay diyaarado kaga soo qaadeen lacago u yaallay Bankoodda Jabuuti, ka dib markii Baankooga iyo kii Zaad u taallayba ku filnaan wayday, taasina waxay ku cadaynaysaa in lacagta ay wadanka ka hesho markiiba iyadoo lacag adag ah u dirto dibadda iyo baanankeedda dibadda, taasina waa sababta keentay in sicir bararka doolar cirka isku shareero, waayo marka lacagtii adkayd ee dollar ahaa wadanka dibadda uga baxo, waxa suuqa ku yaraanaysa baahidii dollarka loo qabay, taasina waxay keenaysa sixir bararka wadanka ka jirta. ee Sababtay In Qiimaha Shilinkii Dalku hoos u Dhaco Dollarkuna Hawada Isku Shareero

U.S. dollar notes are seen at a Kasikornbank in Bangkok, Thailand, May 12, 2016. REUTERS/Athit Perawongmetha

Telesom_groupy_managers

Dhinaca kale, qalabkoodda usoo taga maba cashuuraan, waxaana si khiyaamo oo laaluusha ah usoo dhaafiyaan Kastamadda, waxaanay aaminsan yihiin in aan dawlada lagu aamini Karin cashuurta haddii sifo sharci ah u bixin lahaayeen, waxaanay u doodaan in hadii cashuurta bixiyaan in aan waxba lagu qabanayn ee la iska cunayo, sidaas darteed alaabtooda ku soo dhaafinayaan qaab khiyaamo ah oo qolooyinka kastamadda ee alaabto soo marayso uun laaluush faro cidideed ah u tuurayaan, sidaas alaabtoodda ku soo dhaafiyaan oo aanay xaaraanba u arag laaluushka iyo khiyaamada.

Inkastoo isku sheegaan inay culimo u badan tahay  oo khamiiso iyo  gadh dhaadheer la baxa hadana qaabka  cashuurta u bixiyaan maaha qaab sharci ah, ama maba bixiyaan lacagtii ku waajibtay.

Haddii alaabta usoo degta qaab laaluush ah ku soo mariyaan kastamada, bal aynu eegno cashuurta caadiga ah ee sanadkii  ma laga qaada cashuurtii ku waajibtay, hadalka oo gaaban waa mayo.

Wasiirkii ugu horeeyey ee Wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta loo magacaaby markii madaxweyne Siilaanyo guulaystay waxa loo dhiibay nin dhallinyaro ah oo magaciisa Cabdirsisaaq la yidhaa oo aqoonyahan ah waxa isla jaan qaadeen wasiirka  Maaliyada Maxamed Xaashi,waxaanay isku dayeen inay soo iibsadaan mishiinka lagu ogaanayo Calls si cashuurtii ku waajibtay looga qaado, haseyeeshee markii ay arkeen inuu wasiirkaasi sidaas ku hamiyayo markiiba waxay isku dayeen inay xilkiisa ka qaadeen iyagoo u marayo farsamooyin gacmo dufan leh taas oo markiiba laga qaaday.

Sidaas ayey ku istaagtay in mishiinkii lagu ogaan lahaa Calls  cashuurtii ku waajibtay in laga qaado, marka TELESOM  waxay u badheedhay in aanay cashuurtii ku waajibtayna aanay bixin,isla markaana alaabteedda usoo degaysa cashuurteedii laga qaadin oo sifo khiyaamo ah oo ay xidhiidh hoose ula yeelanayaan kastamadda alaabtoodda ku soo dego.

Inta badana TELESOM hawlihii dawladda ka galla waxa u marta nidaam Laaluush ah, maadaama oo dhaqaale badan u qorshaysay in wixii qabad ah ee ka hor yimaado ku furdaamiso.

 

La soco qayb kale iyo hagar daamoohinka ay ku hayso wadanka