Maayerka Magaalada Gabiley Isago Ku Hadlaya Afka Golaha Deegaanka Waxa Uu Tacsi Tiiraanyoleh Udirey Marxuum Suxufi Yoonis Cali Nuur

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Isago Ku Hadlaya Magacisa Iyo  Afka Golaha Deegaanka Shacabka Gobolka Gabiley Iyo Kan Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Waxa Uu Tacsi Tiiraanyoleh Udiray,

Bahda Saxaafada Qoyskii Qaraabadii Ehelkii Asxaabtii Waxgardkii Iyo Dhamaan Shacabka Reer Somalialnd Ee Ku Baxey Marxuum Suxufi Yoonis Cali Nuur Oo Xaley Ku Geeriyooday Isbitaal Ku Yaala Magaalada London,

Maayerka Magaalada Gabiley Ayaa Marxuum Yoonis Cali Nuur Ku Sifeeyay Shakhsi Hawlkara Oo Ku Suntanaa Taariikhda Warbaahinta Isagoo Mudo 30 Sano Ahna Ka Soo Shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC,

 

Maayerku  waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Oo  Uu Illaahay  Ku Casuumo Janooyinkiisa Kitaabkiisana Midiga Uga  Dhiibo  saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa Alle  ka siiyo.

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN