Putin oo weeraray dadka dhaleeceynaya kulankii uu Trump la yeeshay.

Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa si kulul u cambaareeyay dadka dhaliilaya kulankii ugu horreeyay ee labo geesoodka ahaa ee uu la yeeshay madaxwayne Donald Trump.

Mr Putin ayaa sheegay in xoogag gaar ah ay doonayaan in ay minja xaabiyaan xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka “iyaga oo eegaya danaha gaarka ah ee xisbiyadooda”,.

Madaxwayne Putin ayaa dublamaasiyiin kula hadlayay magaladda Moscow ee xarunta dalka Ruushka.

Mr Putin ayaa waxa uu ku tilmaamay kulankii dhexmaray isaga iyo Trump uu ahaa mid guulaystay.

Mr Trump ayaa lagu eedeeyay in uu mowqif jilicsan ka qaatay Ruushka, gaar ahaan arrinta in ay faragalin ku sameeyeen doorashadii Mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa waxaa soo fuulay cadaadis xooggan tan iyo intii uu magaladda Helsinki kula kulmay dhigiisa Ruushka.

Ruushka waxa ay beeniyeen in ay fargalin ku sameeyeen doorashadii Mareykanak ee 2016.

Aqalka Cad ayaa soo saaray war ah in dowladda Ruushka ay weli halis ku tahay doorashooyinka mustaqbalka ee Maraykanka, wuxuuna hadalkan soo baxayaa xili hubanti la’aan ay ka jirto hadalo uu horay u yiri madaxweyne Trump oo diiday in Ruushka ay inaba farogalin ku sameeyeen doorashooyinkii Maraykanka ee uu isaga kusoo baxay.

Trump ayaa u muuqday nin dafiraya warbixintii ay soo saareen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee sheegay in Ruushka uu farogalin ku sameeyay doorashooyinkii dhacay, kuwa mustaqbalkana uu halis ku yahay.

Balse gabadha ah afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa tiri “Madaxweynaha waxa uu ka shaqaynayaa sidii Ruushka aysan ugu suurtogali lahayn in ay farogaliyaan doorashooyinka Maraykanka sidii ay horey u sameeyeenba”.