Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxweyneyaasha Djibouti Iyo Eritrea

Jeddah(GNN):-Madaxweyneyaasha wadamada Djibouti iyo Eritrea ayaa kulan ku yeeshay magaalada Jeddah ee wadanka sucuudiga.

Wuxuu ahaa kulan la sii saadaalinayay laakiin xiiso gooni xambaarsanaa kaddib markii madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isaias Afwerki kulan ku yeesheen magaaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Geelle iyo Afwerki ayaa is gacan qaaday iyaga oo marxabeynaya, waxaana soconaya kulamo gaar gaar ah loogu kala dabqaadayo labada mas’uul si loo soo afjaro xiisada iyo muranka dhulleed ee labada dal muddo dheer-ba dhax tiilay.

Dhawaan waxaa Jabuuti tagay wafdi heer sare ah oo ka socday wadamada gobolka, waxaana wafdigaa ka mid ahaai wasiirka arrimaha dibedda ee

Eritrea Osman Saalax.Itoobiya iyo Eritrea ayaa horay iyagu si iskood ah u soo afjaray murankii dhanka xudduuda ah ee dhiigga badan uu ku daadday, waxaana la filayaa in si taa la mid ah la dhameeyo khilaafka labada dowladdood ee Jabuuti iyo Eritrea.

GABILEY.NET