Talyaaniga: Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Corona oo sare u kacday

Tirada dadka uu haleelayay cudurka Corona ee dalka Talyaaniga ayaa sare u kacday isla markaana gaartay ilaa 400 qof oo la xanuunsan caabuqa inkasta oo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu xakameynayo caabuqan dilaaga ah.

Dalalka ka tirsan Yurub ayaa shaaca ka qaaday in dad hor leh uu soo ritay caabuqa Corona gudaha waddanka Talyaaniga.

Arbacadii ha’yadda caafimaadaka adduunka ayaa sheegtay in markii ugu horreysay uu cudurka gaaray meel ka baxsan Shiinaha halkaas oo uu kasoo bilowday.

Guud ahaan dunida, in ka badan 80,000 qof ayaa la xanuunsan cudurka Corona kaas oo Shiinaha ka bilowday bishii Disembar.

Cudurkan oo ku dhac neef mareenka ayaa waxaa haatan u dhintay dad gaarayo 2,700 qof.