DAAWO SAWIRADDA:Laanta Xisbiga KULMIYE ee Manchester oo Xaflad Balaadhan uu Qabtay Tageerayaashi Jamaal Cali Xuseen oo Ku Soo Biiray KULMIYE

Manchester (GNN)-Laanta greater Manchester Ee xisbiga kulmiye ayaa waxay xaflad si wayn loo soo agaasimay ku qabteen magaalada Manchester xafladaasoo lagu soo dhawaynaayay masuuliyiin iyo taageerayaal badan oo ahaa xisbiga New Ucid garabkii Aqoon-Yahan jamaal Cali Xuseen Kuwaaso cudud hill iyo hooba ku soo kordhiyay xisbiga laantiisa great Manchester iyo guud ahaanba Xisbi waynaha kulmiye oo xiligan diyaar garow kama danbaysa ugu jira doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka oo ay ka sharaxan yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne xigeenka Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Waxaa xaflada iyaguna sii miisaan leh uga soo qayb galay wafti culus oo ka socda Xarunta Dhexe ee London oo ka mida gudiga fulinta xisbiga ee Uk oo ay hogaaminayso gudoomiye xigeenka 2aad ee xisbiga kulmiye Uk:
Marwo Naciima Xuseen GX 2aad Uk
Cabdiladiif Cumar Xoghayaha Uk
Maxamed Cabdi Raambe Afhayeenka Uk Khadra Saleebaan Sarman GxG Hawenka
Axmed Cisman Aadan Qasniga Uk
Axmed Maxud Cige (Askari) Madaxa Amniga
Caasha Eeban Xubin Gudiga fulinta Uk
Yasiin Faarax Jees Madaxa Warfafinta Uk.
Waxaa iyaguna munaasibada ka soo qayb galay madaxda Laamaha, west London oo ay hogaaminayso gudoomiyaha hodan Cabdi Cali, gudoomiye xigeenka north London, Ibrahim Cilmi, Xoghayaha laanta Muj Cali Abokar, Waftiga laanta Shafiel waxaa hogaaminaayay Xoghayaha laanta Caydarus Xuseen Sahal, xubno musdambeedka laanta ah, Barre Awgaab, Maxamed , gudoomiyaha garabka Hawenka Xaali Cisman Kowle, Afhayenka garabka Hawenka Naciima, hinda cabdi iyo Sahra.
Xafladaas ayaa jewi aad u wanaagsan ku soo dhamaatay iyadoo hadalo qiimo badan ay ka jeediyeen xaflada dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay taasoo lagu soo bandhigay kalsoonida xisbigu ku qabo guusha doorashada oo lagu geli doono barnaamij dhamaystiran iyo waxqabadka muuqda ee ay mudaddii xilka haysay ku qabatay xukuumada ka soo jeeda xisbiga kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxwaynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Af-hayenka kulmiye Greater Manchester
Maxamuud Axmed Saxar (Xaaji-hoos )