Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga Ah Oo Hoos U Dhacay Talaabadii Madaxweynuhu Ka Qaaday Sixir Bararka.

Hargeisa (GNN)-Ka dib, Wareegto uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Habeen hore ka soo saaray Sicir-bararka Lacagta Doollarka, ayaa waxa hoos u dhacay qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wareegtada uu saaray waxay dhigeysay in Boqolka Doollar oo Toddobaadkii u dambeeyay qiimihiisu ahaa inta u dhexeysa 850,000 illaa 870,000 kun, laga dhigo 700,000 kun oo Shilinka Somaliland ah, taasi oo hirgashay.

Qiimaha uu Madaxweynuhu digreetada ku soo saaray ee lagu sarrifayo Lacagta Doollarka oo fulinteeda ay laamaha Dawladdu aad uga hawl-galeen, ayaa keentay inuu hoos u dhaco qiimaha Ganacsatadu ku iibinayaan Raashinka, sida Bariiska, Sonkorta, Daqiiqda iyo kuwa kale.

Suuqyada Hargeysa oo doraad Jawaanka bariiska ah lagu iibinayey 219,000 Shilin, ayaa Shalay gelinkii dambe hoos ugu soo dhacay oo lagu iibinayey 178,000 Shilin, Jawaanka Sonkorta ah oo doraad Suuqyada Hargeysa lagu iibinayey 284,000 Shilin, ayaa Shalay lagu iibinayey 2,31000 Shilin, halka kiishka Daqiiqda ah oo doraad lagu iibinayey 167,000 uu shalay hoos ugu soo dhacay 136,000 Shilin.

Sidaana waxa lagu sheegay War-bixin uu Shalay diyaariyey Telefiishanka Qaranka Somaliland oo lagu wareystay Ganacsatada haysta Bakhaararada iibiya Raashinka.

Ganacsatada Raashinka iibiya oo la waydiiyey saamaynta ay ku yeelatay Wareegtadii Madaxweynuhu soo saaray, ayaa sheegay inay saamaysay, “Isbeddel way samaynaysaa, Waayo? Shalay oo tobanka Doollar ahaa 85000 iyo Maanta oo Tobanka Doollarka yahay 70,000 kun faraq weyn baa u dhexeeya oo Dadku waxbay iibsan karaan, markaa Tukaannadii way soo noolaadeen, Dadkuna rejo weyn bay qabaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Daasadda Caanaha ah ee Ankarta ah waxaanu siinaynay 18 doollar oo markaa Shilinka Somaliland ku noqonaysay 1,53000, Maantana waa 1,26000.”

Dhanka kale, Ganacsatada iibiya Raashinka, ayaa wax ku iibinaya Lacagta Somaliland oo kaliya.

Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa oo qaarkood la waydiiyey dareenkooda, ayaa soo dhaweeyay hoos u dhaca qiimaha Raashinka.