Mareykanka Oo Hada U Hanjabey Kuuriyada Waqooyi , Ciidamo Military Ah Oo Xuduuda La Keenay Iyo Saansaan Dagaal Oo Muuqata.

Washinton(GNN):- Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka, Mike Pence, ayaa ka digay in

miiska ay saaran yihiin dhamaan talaabooyiinka lagula tacaalayo Kuuriyada woqooyi.

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

 

Wuxuu hadalkan jeediyay mar uu boqoday xuduuda labada kuuriya ee militiriga badan ay jogaan .

Mr Pence ayaa sheegay in waqtigii xeeladaha dulqaadka ee Kuuriyada wuqooyi ay dhamaadeen Hasa yeeshee waxa uu sheegay in madaxwayne Trump uu cadeeyay in uusan ka hadalin talaabo militari oo gaar ah .

Mr Pence oo aabihii uu ka mid ahaa ciidamada Maraykanka xiligii dagalkii Kuuriya ayaa sheegay in Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu ka dhaxeeyo xidhiidh qota dheer.

Image may contain: 3 people

Booqashada madaxwayne ku xigeenka Mareykanka ayaa imaanayso ka dib tijaabo gantaal ooay ku guuldaraysatay Kuuriyada wuqooyi.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Si Kastaba ha ahatee waxaa hada muuqata saasaan coladeed oo ka dhex qaraxda dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi

Image may contain: 3 people, people standing