WARARKA




Daawo Sawirada :- Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lagu bah-dilay shirkii G-20

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu bah-dilay laguna takooray shirkii dhaqaalaha ee G-20, kaddib markii laโ€™iska fogeeyey xiligii la galayey sawirka guud ee golaha.

Maxamed Bin Salmaan ayaa la istiaajiyey geeska ugu fog safka sawirka, waxa uuna u muuqda mid la inkirayey.

Ka soo muuqashadii shirka ee Maxamed Bin Salman waxa ay dhalisay muran tan iyo dilkii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar loogu gaystay wariye Khaashuqji, la-yaabna ma ahayn sidii loola dhaqmay.

Markii sawirku dhamaaday, dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha talada ka goโ€™do ee Sucuudiga waxa uu durbadiiba ka dagay masraxa isaga oo aan qofna gacan qaadin, xilli ay ka muuqatay yaxyax.