Dowladda Shiinaha Oo Si Adag Uga Jawaabtay Qorshaha Mareykanka iyo Eedeymaha Aan Xaqiiqada ahayn.

Bejing(GNN):-Warbaahinta Qaranka Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaab celisay hadalkii ka soo yeedhay xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaasi oo tibaaxayay in coronavirus uu ka soo unkamay mid ka mid ah sheybaarada Shiinaha. Wuxuuna shiinaha hadalkaasi ku tilmaamay mid waalli ah oo aan laga fiirsan.

Mike Pompeo ayaa Axaddii dorrad aheyd sheegay in ay hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaadh ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii Tegay ee 2019.

Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yidhi oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku degdegayaan edeyenta iyagoo u taag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo bandhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha.

Eedaymaha isa soo taraya ee Dalka Maraykanku u jeedinayo Dalka China ayaan wali ahayn kuwo la rumaysan karo iyadoo ilaa hadda aaney jirin wax cadaymo oo dawlada maraykanku soo bandhigtay.

 

Gabiley News Network

Bejing China