Kismaayo(GNN):-Madaxweynihii Hore Dawlada Federaalka ah ee Somalia Sheikh Shariif Sh Axmed Oo Maanta Khudbad Dheer Ka Jeediyey madashii Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe Ayaa Ka Waramay Suurto galnimada In Doorasho hal qof iyo cod ahi ka dhacdo Somalia.
Qodobkii ugu muhiimsanaa oo uu Shiikh Shariif ka hadlay ayaa ahaa doorashada la filayo inay Soomaliya ka dhacdo sanadka 2021 marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan la fileyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2021, isla markaana haatan rajadaas aysan muuqan.
” Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato” Ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka reer Jubbaland ay soo mareen dhibaayootin,hayeeshee haatan aysan mudneyn in lagu abaalmariyo cunaqabatayn.
” Dadka reer Jubbaland dhibaatadii la ogaa ayeey ka soo baxeen ma mudnayn in lagu abaal mariyo cunaqabatayn”.ayuu yiri Sheekh Shariif.
Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mus’uuliyiin kala duwan, waxaana halkaas laga jeediyey khudbado kala duwan oo Dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay siyaasadeeda wax ka badasho.
Gabiley News Network
Kismaayo Desk Office
Contactgabileynews@gmail.com