Falastiintiyiinta oo cambaareeyay hadal kasoo baxay Mareykanka

Falastiinyiinta ayaa si weyn uga carooday go’aan uu Maraykanka gaaray oo ah in dhulka ay Israel haysato aanu ahayn mid sharci darro ah. warkan waxaa shaaciyay xoghayaha arimaha dibedda, Mike Pompeo.

Waxaana uu hareermarsan yahay siyaasaddii uu dalkaasi ku dhaqmayay afartankii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale go’aankan ayaa Maraykanka ka horkeenaya dhammaan wadamada caalamka iyo weliba qaraaradda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Go’aanka ayaa ah mid waafaqsan qaabka uu maamulka Trump u wajahay khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, kaasoo si weyn ugu xagliya dhanka Israa’iiliyiinta. waxaa go’aanka bogaadiyay ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu oo ku tilmaamay guul taariikhi ah.

Netanyahu ayaa go’aankan u arka mid xoojinaya dedaalladiisa siyaasadeed, in kastoo uu natiijo aan dhamaystirneyn ka soo hoyiyay labadii doorasho ee ugu dambeysay.

Go’aanka ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyay ninka ay is hayaan ee Benny Gantz.

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay go’aanka, waxaana ay ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah sharciga caalamiga ah, khatarna gelinaya fursad kasta oo nabad lagu dhex dhigayo labada dhinac.

Xooggaga hubaysan ee Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka, waxaana ay ku tilmaameen mid aas rasmi ah u iclaamiyay heshiiskii nabadda ee Oslo, waxaana ay ku baaqeen in la xoojiyo iska caabinta ka dhanka ah Isra’iil.

Midowga Yurub iyo xubno kamid ah xisbiga Dimuqraadiga ayaa dhaliilay go’aanka. Dadka ka faallooda arimaha Bariga Dhexe ayaa sheegaya in go’aankan uu xoojin doono mashruuca deegaameynta ay Isra’iil wado iyo kala qeybsanaanta gudaha Maraykanka ee ku aaddan arintaasi.